Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo: “Waxaa la joogaa wakhtigii loo jiheysan lahaa doorasho hufan” (Sawirro)

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed heshiiska dhammeystirka wadahadalladii ku saabsanaa hirgelinta doorashada oo ku saleysan heshiiskii 17 Sabteembar 2020 iyo is afgaradkii magaalada Baydhabo ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka.

Farmaajo oo khudbad ka jeediyay  xiritaanka shirkii lagu shaacinayay heshiiska laga gaaray khilaafka doorashada ayaa soo dhaweeyay heshiiska laga gaaray arrimaha doorashada isagoo bogaadiyay dadaalladii Raisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble madaxda mamaul goballeedyada iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir.

Waxaa uu xusay in heshiiska dhammeystirka wadahadalladii ku saabsanaa hirgelinta doorashada uu ku saleysan yahay heshiiskii 17- Sabtembar 2020 iyo is afgaradkii magaalada Baydhabo ee guddiga Farsamada arrimaha doorashooyinka, wuxuuna ku tilmaamay guul u soo hoyatay dadka iyo dalka .

Wuxuu sheegay in guusha laga gaaray arrimaha doorashooyinka ay kor u qaadday rajada shacabka Soomaaliyeed oo si weyn uga dhur sugayay wadahadalladaan hadda soo dhamaaday.

Wuxuu si gaar ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u bogaadiyay raisal Rooble doorkii uu ka qaatay dedaalladii horseeday in heshiis laga garao is mari-waagii ka taagaa doorashada .

Farmaajo ayaa kula dardaarmay madaxda mamaul goballeedayad inay kaalintooda ka qaataan hirgalinta waxyaabaha lagu heshiiyay si dalku doorasho u aado .

Wuxuu ku adkeeyay madaxda in hadda ay iyaga saarantahay mas’uuliyadda la xiriirta in wixii lagu heshiiyay loo fuliyo sidii loogu heshiiyay lana dhamaytiro.

“Waxaa la joogaa wakhtigii loo jiheysan lahaa doorasho hufan iyada oo laga dheeraanayo fal kasta oo caqabad ku noqon kara xasilloonida dalka iyo qabsoomidda doorashooyinka qaranka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay dalkeenna in uu sii ambaqaado xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda, nabadda iyo midnimada, isaga oo xusay in ay saldhig u tahay geeddi socodka doorashooyinka iyo xasilloonida dalka, taas oo ka tarjumaysa biseylka iyo qaangaarnimada siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed.

“Aniga kaalintaydu iyo tan shacabka waa in aan idin kaalmeyno aan idin duceyno oo aan ku tufno oo aan barakeyno waana idiin duceynay “ayuu uri madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey doorkiisa arrimaha siyaasada xiliga kala guurka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka amniga oo ka hadlay sababta loo xiray maanta jidadka Muqdisho una hanjabaday..

Caydiid Ali

Dalxiisayaal ku kacay arrin yaab iyo fajac noqotay oo xabsiga loo taxaabay (Sawirro)

Caydiid Ali

Jamhuuriga oo taageeray Mooshinka xilka looga qaadayo Madaxweyne Trump

Caydiid Ali