Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Carbeed oo shaacisay in 500 milyan oo Dollar ku bixineyso dib u dhiska Gaza

Dowlada Qadar ayaa shaacisay in dhaqaale xoogan ku bixineyso dib u dhiska qeybo kamid ah magaalada Gaza oo dhawaan ku bur buray duqeymihii ciidamada maamulka Israa’iil ka geesteen .

Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa sheegay in 500-milyan oo dollar ku bixin doonaan dib u dhiska magaalada Gaza oo bur bur xoogan gaarsiiyeen Israa’iil.

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Arimaha dibedda dowlada Qadar ayaa lagu sheegay in lacagtan ugu talagaleen in ay ku caawiyaan dadka dhismayaashooda ku bur bureen duqeymihii ciidamada Is’raaiil ka geesteen magaalada Gaza.

Duqeymaha milatariga Israa’iil ka geesteen magaalada  Gaza ayaa billowday 10-kii May kadib rabshado ka dhacay masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus , waxaana rabshadahaasi ku dhintay in ka badan 250-qof oo shacab Falastiiniyiin ah ay ku jiraan caruur badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Doorasho Sax ah maka dhacaysaa Soomaaliy & Walaac nuucee ah ayaana laga qabaa Doorashada dhacayso!!

admin

Magaca iyo Sawirka askarigii xalay dilka ka geestay Muqdisho oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Xubno katirsan Al Shabaab oo ku dhintay qarax ay ku xirayeen Ceel Biyood

Cabdi Cade
Taboola Ads ---