Allbanaadir.com
NEWS

Midowga musharaxiinta oo ku qanciyay Cabdi Xaashi in uu tago Teendhada Afisiyooni (Sawirro)

Waxaa goordhaw kulan xasaasi ah magaalada Muqdisho ku yeeshay Midowga musharaxiinta Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Aqalka sare ay wehliyaan qaar kamid ah Xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee Somalliland.

Kulan daqiiqado badan qaatay oo dhax maray labada dhinac ayaa looga wada hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka taagan arinta gobolada Waqooyi xili maanta lagu wado in Muqdisho lagu soo xiro shirkii Wadatashiga arimaha doorashooyinka.

Sida aan wararka ku helnay Midowga Musharaxiinta ayaa ku guuleestay Guddoomiye Cabdi Xaashi  iyo siyaasiyiinta gobolada Waqooyi aqbalaan qodobada kasoo baxay shirka Wadatashiga sidoo kale ka qeyb galaan munaasabada ka socota teendhada Afisiyooni.

Hogaanka midowga musharaxiinta iyo gudoomiyaha Aqalka sare ayaana la filayaa in ay si wadajir ah u tagaan teendhada Afisiyooni ay ka socoto munaasabada lagu soo xirayo shirka Wadatashiga Arimaha doorashooyinka.

Related posts

Ruushka oo diiday qaraar lagu dalbanayey joojinta dagaalka Sudan

Caydiid Ali

Ruushka oo milateriga Iran ka taageeraya weerarka Israel

Caydiid Ali

Haweeney muddo 25 sanno quudinaysa Dawacooyinka iyo hadal heyn ka dhalatay!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---