Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo iyo Madax badan oo Mucaarad ku ah oo mudo kadib is arkaya

Waxaa maanta lagu wadaa in teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho lagu soo gabo gabeeyo shirkii wadatashiga arimaha doorashooyinka oo maalmihii lasoo dhaafay u socday madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo xiraya Shirka Wadatashiga Qaran, waxaana munaasabada xiritaanka shirkan lagu casuumay Midowga Musharaxiinta iyo masuuliyiin kale.

Farmaajo iyo Musharaxiinta mucaaradka ayaana mudo kadib isku arkaya teendhada Afisiyooni, waxa sidoo kale madaxdan khudbado ka jeedin doonaan munaasabada xiritaanka shirka wadatashiga ee lasoo gaba gabeenayo maanta.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah ay ku jiraan Madaxweynayaashii ka horeeyay ayaan in mudo ah is arag, waxa ayna maanta isku arki doonaan fagaare dad badan joogaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Habraacada doorashada shan kursi oo katirsan Gollaha shacabka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo Cafis u fidiyay askar la dagaalantay Ciidan isaga ka ammar qaata

Cabdi Cade

Akhriso Nuxurka Khudbadii Musharax Maxamed Nuur Gacal u jeediyay Baarlamaanka Galmudug (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade