Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Milatariga Israa’iil oo si Qaldan isaga soo riday Diyaarad iyo Fashilka ku yimid 

Nidaamka Difaaca Gantaalladda Israel ee loo yaqaano The Iron Dome defence system ayaa la sheegay inay toogteen, soona riday Diyaarad nooca aan Duuliyaha Lahayn ee Drone-ka oo ay Milliteriga Israel lahaayeen.
 
Ilo milliteri oo la hadlay Idacadda Isarel Public Broadcasting Corporation ayaa waxay sheegeen inuu Shilkaasi dhacay muddadii uu socday Dagaalkii 11-ka maalmood ee ka socday Marinka Qasa ee dhulka Reer Falastiin.
 
Warbaahinta si rasmi ah uma aysan shaacinin xilliga la soo riday Diyaaradaasi Droneska oo Hawlgal sahan ku maraysay Hawada Deegaanada Marinka Qasa.
 
Nidaamka Difaaca Gantaalladda Israel ee The Iron Dome defence system waxay ka hawlgeli jireeen Xuduudka Koonfurta Israel, si ay uga hortagaan Gantaalladda Ridada Dhexe iyo Hoobiyayaasha uga imaanayey Marinka Qasa.
 
Iska horimaadkaasi waxaa lagu dilay ugu yaraan 253 Falastiiniyiin ah, halka in ka badan 1,900 oo kalena lagu dhaawacay, Jimcihii la soo dhaafay ayey labada dhinac gaareen Heshiis Xabbad-joojin oo ay Dowladda Masar ka soo shaqeysay.
W/Q Ustaad Nuuradiin
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ogow Sababta dowlada Qatar u xirtay una heesatay ninkan u dhashay dalka Kenya

Cabdi Cade

Muxuu Deni kala hadlay Xildhibaanada DF ee Puntland ka soo jeeda?

Caydiid Ali

Ciidamda Qalabka sida ma gudan doonaan waajibaadooda ka saaran dalka, mise ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---