Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Walaalo 31 sano u xirnaa dembi aysan gelin oo la siiyey $70 Milyan oo dollar

Laba nin oo walaalo ah oo ku nool dalka Maraykanka kuwaasoo in ka badan soddon sano u xirnaa dembi aysan galin ayaa la gudoonsiiyey lacag magdhow ah oo gaareysa 70 milyan oo Dollar

Henry McCollum iyo walaalkiis oo ay isku aabbo yihiin Leon Brown, ayaa laba jeer lagu xukumay dembi la xiriira kufsi iyo dil loo geystay gabar 11 jir ah sanadkii 1983.

Hase ahaatee Sanadkii 2014, waxaa la helay caddaymo cusub oo la xiriira hidde-sidaha dhiiga ee DNA, taasoo horseeday in cafis buuxa loo fidiyo labada nin.

Jimcihii ayaa loo xukumay magdhow gaaraya la siiyo min 31 milyan oo doollar Lacagtaas ayaa u dhiganta 1 milyan oo doollar sanad walba oo ay xabsiga ku qaateen. Waxaa kale oo loo xumay 13 milyan oo doollar oo dheeraad ah.

“Waxaa mahadsan Alle,” ayuu yiri McCollum, isaga oo ilmaynaya, markii uu ka soo baxayay qolka maxkamadda isaga iyo walaalkiis, ku dhowaad toddobo sano ka dib markii uu garsooraha xukumy in la sii daayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Kumuu ahaa C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow)? Taariikh nololeedkiisa

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare maalmo kahor qaatay Talaal oo laga helay Cudurka Covid-19

Cabdi Cade

Nin walaalkiis ka yar Sabab dad badan layaab ku noqotay ugu dilay magaalada Baladweyne

Cabdi Cade
Taboola Ads ---