Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Wasiirka A/Dibadda Somalia & danjire Kate Foster? (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) ee Soomaaliya, Mss. Kate Foster.

Wasiirka ayaa kala hadlay danjiraha xiriirka saaxiibtinimo ee taariikhiga ah ee labada dal u dhexeeya iyo habka iskaashiga labo geesoodka iyo siyaabaha looga horumarin karo dhinacyo kala duwan.

Intii kulanka lagu gudo jiray ayaa waxaa lagu falanqeeyay dhowr arrimood oo siyaasad iyo amni la xiriiray, sidoo kale waxaa looga hadlay xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamiga ee labada dhinac wada danaynayeen.

Mss. Kate Foster ayaa balan-qaaday in dowladeeda Britain ay sii xoojineyso taageerada ay siiso dowlada Somalia, gaar ahaan dhinacyada amaanka, dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed, iyadoo dhinaca kale DF ku amaantay dedaalka ay ugu jirto xoojinta nidaamka dpwladnimo iyo qabashada doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Shiikh Shariif oo si yaab leh uga hadlay ciidan ka tirsan NISA oo lagu soo tababarayo dibeda

Caydiid Ali

Dhalinyaro kufsi geesatay oo lagu karbaashay Fagaare kuyaala Dhuusomareeb (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Shaaciyay Qorshayaal dowladda Federaalka damacsaneed uu kahor yimid

Cabdi Cade
Taboola Ads ---