Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Xog) Doorka Farmaajo ku yeelanayo Munaasabada saxiixa heshiiska doorashada

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaceysa beri oo Khamiis xaflad lagu saxiixayo fulinta heshiiska Doorashada Soomaaliya, iyadoo wararku sheegayaan inu ka qeyb gelayo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xaadda oo qabanqaabadii ugu danbeysay loogu jiro ayaa la sheegay in Farmaajo uu leeyahay khudbadda gunaanadka munaasabadda saxiixa heshiiska oo sidoo kale ay ka qeyb geli doonaan madaxda Golaha Midowga Musharixiinta iyo Bulshada rayidka, ayna goobjoog ka noqon doonaan Wakiilo ka tirsan Beesha calamka.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegeya in saxiixa heshiiska aanu qeyb ka ahayn Farmaajo, waxaana saxiixi doona Ra’iisal wasaaraha, shanta madaxweyne maamul Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxaa khilaaf uu ka taagnaa muddo sanad ku dhow Doorashada iyadoo is-mari waaga heshiisyada Doorashada lagu eedeeyay Farmaajo oo markii danbe xilka Doorashada iyo Amniga ku wareejiyey Rooble.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu bedelayaa booskii saxiixayaasha ee Maxamed Farmaajo, iyadoo rajo badan laga qabo inuu aqbalo, waxaana heshiiskan uu noqonayaa mid taariikhi ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in Shirkii Doorashada ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Shanta Maamul Goboleed iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir uga socday Muqdisho horumar laga sameeyay.

Wararka ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in dhinacyadu ay mabda’ ahaan ka heshiiyeen dhammaan qodobadii caqabadda ku ahaa hirgelinta heshkii 17-kii September.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Sababtii uu u dhintay wiil isaga oo Hargeysa kubbad ku ciyaaraya oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Ibrahim Keita oo maalmo badan kadib xabsiga laga sii daayay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda Dhuusomareeb iyo Ujeedka Socdaalkiisa oo …

Cabdi Cade