Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xiliga la soo gebagebeynayo Shirka wadatashiga doorashada oo la shaaciyey

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa galay maalintiisi afraad.

Waxaa shirka laga gaaray natiijo wanaagsan, iyadoo lagu wado in shirka la soo xiro maalinta Khamiista ah ee soo aadan sida uu sheegay afhayeenka xukuumada Somalia

Shirka oo ka sii wanaagsanaanayey maalinba maalinta ka dambeeyey ayaa waxaa horumarro laga sameeyay qodobbadii laga wadahadlayay ee khuseeyay doorashooyinka dalka.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo galay maalintii afraad, waxaana uu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiya gobolka Banaadir ay muujiyeen biseyl sida ay u doonayaan in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka. isagoo xusay in heer gabogabo ah uu maraya dhameystirka qodobada ka soo bixi doona heshiiska la filayo shirka laga gaaro.

“Ra’iisul wasaaraha oo had iyo jeer xudun u ahaa wadahadaladana waxaa uu ahaa qofka habeen iyo maalin ka shaqaynayey in shirku uu guuleysto” ayuu yiri Af-hayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Dhinaca kale, Afhayeenka Maamulka Puntland ayaa sheegay in shirku isku afgartay beri oo Arbaco ah iney noqoto Maalin nasasho, khamiistana la isku soo laabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin hubeysan oo weerar ku qaaday Masjidka Daarul Xikma iyo baaris …

Cabdi Cade

Sargaal katirsanaa Ciidanka booliiska Soomaaliya oo galabta lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade

Sacuudiga & Imaaraadka oo ka qeyliyey go’aan ka soo baxay dowlada Qatar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---