Xaflad aroos oo lagu casuumay dad gaaraya 160-qof ayaa ka dhacday diyaarad dusheeda xili hawada sare ay ku jirtay, waxaana xafladan arooska ah dhigtay lamaane u dhashay dalka Hindiya.
Lamaanahan is guursanayay ayaa kireestay diyaarad rakaab oo nuuceedu ahaa Boeing 737, maadaama gudaha Hindiya aan laga ogoleyn in xafladaha arooska isugu yimaadaan dad ka badan 50-qof.
Muuqaal laga soo duubay xaflada arooska ee ka dhacday hawada sare gaar ahaan gudaha diyaarada ayaa laga dhax arkayay lamaanaha is guursanayay iyo dad badan oo farxada arooska ku qaadanaya hawada sare una damaashaadaya.
Diyaarada xaflada arooska gudaheeda ka dhacayay ayaa hawada ku jirtay mudo labo saacadood ah, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in waaxda duulimaadka Hindiya baaris ku bilowday diyaaradan gudaheeda xaflada aroos lagu qabtay.
Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha SpiceJet ayaa sheegay in diyaaradda Boeing 737 ay kasoo kacday magaalada Madurai isla markaana ay gaartay Bangalore, waxa uuna xusay in dadkii saarnaa diyaaradda lagula taliyay inay raacaan taalooyinka caafimaad ee looga hortaggayo Covid-1.
Baraha bulshada gudaha Hindiya waxaa ka taagan hadal heyn badan oo ka dhalatay xafladan arooska ee ka dhacday gudaha diyaarada la kireestay, waxaana xafladan imaaneysaa xili dalka Hindiya dad badan ugu dhimanayaan cudurka Covid-19.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com