Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Haweeney u dhalatay dalka K/Afrika oo caawa dil u geysatay Ninkeeda oo Soomaali ahaa

Muwaandin Soomaali ayaa caawa lagu dilay degaanka Mayfair oo ka tirsan Magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ka dib markii ay rasaas ku furtay xaaskiisa oo u dhalatay dalkaas.

Marxuumka oo magaciisa lagu soo gaabiyey  Abdihakiin laguna naaneysi jiray (Gigis) ayaa xaaska uu qabay waxay dilkiisa u adeegsatay bastoolad uu lahaa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gabadha toogashada geysatay ay wacday Booliska una sheegtay wixii dhacay, waxaana markii dambe guriga yimid Booliska oo xabsiga dhigay gabadhan.

Lama oga illaa hadda sababta ka dambeysay dilkan oo naxdin iyo argagax ku noqday Soomaalida ku nool dalka Koonfur afrika waxaana socdo baaritaan la xiriira dhacdadan.

Dhinaca kale, Koox Burcad ayaa isla caawa nin oo Soomaali ah ku dilay Xaafadda Bellville ee magaalafa Cape Town kaasoo lagu magacaabi jiray Marxuum Yuusuf Ibraahim Saamacadde, waxaana dilkan uu qeyb ka yahay dilalka joogtada ah ee sanadahan lagu hayey Soomaalida iyo ajaaniib kale ee ka shaqeysta dalka Koonfur Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Weerar dhowr qof lagu dilay oo xalay ka dhacay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

Dood kulul:-Yaa hortaagan Nabada Maamulka Galmuduig !! Qaybta 1aad

admin

Golaha Wasiirrada oo meel-mariyay labo Hindise sharciyeed oo loo soo gudbiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---