Mareykanka ayaa xayiraad ku soo rogey kaalmada dhaqaale iyo amni ee uu siiyo Ethiopia sababo la xiriira eedo gaboodfallo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo dhacay intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray.
Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ay Axaddii soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Waxay sidoo kale xayiraad saareysaa saraakiil hore iyo kuwa hadda xilalka haya ee dalalka Ethiopia ama Eritrea, kuwaasoo ay u aragto inay mas’uul ka yihiin qalalaasaha.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallaabadani ay dowladda Mareykanka u qaadeyso si loo soo dadajiyo xalka colaadda ka taagan Itoobiya.
Dhinacyada ku lugta leh ma aysan qaadin talaabooyin macno leh oo ay ku joojinayaan dagaalada ama ay ku raadinayaan xal nabadeed oo laga gaaro qalalaasaha siyaasadeed,” ayuu yiri.
Redwan Hussein, oo ah madaxa guddi-hoosaad ay dowladda Itoobiya ee u saartay arrimaha Tigray, ayaa sheegay in dowladdu ay goor dhow soo saari doonto bayaan. Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel ayaan ka jawaabin telfoonada iyo farriimo looga raadinayay inuu warkan ka jawaabo.
Kummanaan qof ayaa la dilay iyadoo 2 milyan oo qofna lagu qasbay in ay ka cararaan guryahooda gobolka Tigray ka dib markii uu bishii November dagaal ka dhex qarxay Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF) iyo militariga Itoobiya.
Ciidamo ka socda gobolka deriska ah ee Amxaarada iyo kuwa dalka Eretria ayaa dagaalka galay si ay u taageeraan dowladda.
Dadka deegaanka ayaa ku warramaya in ciidamada Ethiopia iyo xulafadooda ay dileen dad rayid ah ayna ku keceen kufsi wadareed. Ethiopia ayaa Jimcihii sheegtay in ay maxkamad soo taagtay askar gaysatay kufsi iyo dil dadka rayid ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com