Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Qaran ee Tacliinta oo Ruqsad siiyay Jaamacadaha Green Hope iyo Nile

Iyada oo dhawaan Gudi ka socda Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare soo saareen Qiimeyn ku saabsan Jaamacadaha Dalka, waxaana Qiimeyntaas dood ka keeney qaar ka mid ah Jaamacadaha Dalka oo mudo dheer soo shaqeynayey waxayna qiimeyntaas ku tilmaamey mid aan loo marin hanaankii la baahnaa

Gudiigii Sameyey Qiimeyntaas ayaa dib isugu laabtey waxay qoraalo u direen Jaamacadaha aan ku soo bixin Qiimeyntaas, wuxuuna sheegey Gudiga in Jaamacadaha dalka intooda badan ku soo shaqeeyeen Xaalad adag

Gudiiga wuxuu ku wargeliyey Jaamacadahaas in ay Howshooda sii wadan karaan, waxaa ka mid ah Jaamacadaha qoraalada loo direy Jaamacadaha GREEN HOPE iyo NILE UNIVERSITY OF SCEINCE AND TECHNOLOGY sidaa,darted waxaa lagu wargelinayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Waalidiinta in labadaas Jaamacadood ay heystaan Ruqsada Aqoonsiga iyo Diwaangelinta Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare

  • Ugu dambeyn Jaamacadaha GREEN HOPE iyo NILE ayaa u mahadceliyey Gudiga Qaranka ee Tacliinta sida ay ugu ogolaadeen Ruqsada aqoonsiga Jaamacadeed iyagoo Jaamacadaha GREEN HOPE iyo NILE ay balan qaadeen wada shaqeyn dhex marta Gudiga Qaranka ee Tacliinta

Related posts

Maraykanka oo go’aan ka soo saaray Soomaalida sharci darada ku joogta dalkaas

Caydiid Ali

Xulka Kubadda Cagta gobolka Banaadir oo galabta ku tuntay Xulka Galmudug (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Nin qaawan oo toogasho dad lagu laayey ka geystay Magaalada Nashville (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---