Magaalada Muqdisho waxaa wadahadal ku yeeshay siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ee ku jira dowlada, kuwaa oo isugu jira kuwa mucaarad ah oo taabacsan Gudoomiyaha Aqalka sare iyo kuwa muxaafidka ee taabacsan Mahdi Guuleed.
Kulanka labada garab dhax maray ayaa looga hadlayay sidii loo maamuli lahaa doorashada Xildhoibaanada labada aqal ee Baarlamaanka ku matala gobolada Waqooyi iyo sameynta guddiga doorashada.
War saxaafadeed ay soo saareen garabka uu hogaamiyo Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa lagu soo bandhigay sadex qodob oo labada dhinac ku heshiiyeen iyo hal qodob ay isku mari waayeen walina aysan xal ka gaareen.
Halkan ka Akhriso qodobada lagu heshiiyay iyo qodobka wali la isku hayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com