Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Israel oo qaaday talaabo halis ku ah xabad joojintii dhaqan gashay Maalmo ka hor

Booliska Israel ayaa 120 qof oo Yuhuud ah Axadda maanta ah u gelbiyay in ay booqdaan goobta barakeysan ee magaalada Qudus, halkaasi oo falalkii booliska ee toddobaadyadii tagay ay kiciyeen mudaaharaadyo iyo dagaal ka qarxay Gaza, sidaasina waxaa sheegtay hay’ad Islaami ah oo kormeerta Al-Aqsa.

Hay’adda Waqf ayaa sheegtay in booliska ay Masjidka Al-Aqsa ka saareen dhalinyarada Falastiiniyiinta ah, ayna dadka muslimiinta ah ee da’doodu ka yar tahay 45 sano u diideen in ay galaan.

Muslimiinta gudaha galay waxaa looga baahnaa inay kaararka aqoonsiga kaga tagaan booliska joogay albaabka laga galo dhismaha Masaajid. Waxa kale oo ay hay’addu sheegtay in lix Falastiiniyiin ah la xiray, iyadoo afar ka mid ah markii danbe la sii daayay.

Booliska Israel ayaa beeniyay inuu jiray xaddidaad dhanka da’da ah, waxayna sheegeen in ay xireen 5 eedeysane oo sida ay hadalka u dhigeen “ku xadgudbay amarka guud.”

Afhayeenka booliska Israel Micky Rosenfeld ayaa sheegay in goobta ay u furnayd booqashooyinka caadiga ah, ayna boolisku sugayeen ammaanka aagga si looga hortago “isku dhacyada.”

Hay’adda Waqf ayaa sheegtay Axadda maanta ah in ay tahay markii u horreysay ee dad Yuhuud ah loo oggolaado in ay dhismaha booqdaan tan iyo markii ay dhaqan gashay xabad joojinta Israel iyo Xamaas

Masaajidka Al-Aqsa ayaa ah goobta saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka. Masjidka ayaa ku yaalla bariga Magaalada Qadiimiga ah ee Qudus, oo ay Yuhuuddu u qaddariyaan inay tahay meesha ugu muqaddassan diintooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xaaf oo digniin adag hawada u mariyey Madaxda dowlada federaalka

Caydiid Ali

Shaqaalaha Qaramada Midoobay oo deg deg looga saarayo Itoobiya iyo xaalada oo kasii dartay

Cabdi Cade

Weerar culus oo lagu qaaday saldhigga Isra’il ee Buurta Hermon

Cabdi Cade