Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirka Wadatashiga oo Maalintii 2aad dhameystay & Afhayeenka Xukuumada oo..(Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo galay Maalintiisii labaad.

Madaxda ayaa bilaabay ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan. Iyadoo ay sii socon doonto maalinta beri ah falanqeynta ajandayaasha horyaala shirka sida uu sheegay afhayeenka Xukuumada Somalia Maxamed Ibraahim Macalimu

Shirka oo ka qeyb galeen Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Max’ed, Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa ku soo dhamaaday rajo iyo iyo yididiilo wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney mar qura dhashay 9-caruur ah iyo Hadal heyn ka dhalatay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo iyo Lafta Gareen oo Qorshayaal isla dejiyay iyo Xuud oo u dhaartay …

Cabdi Cade

Beesha caalamka oo War ka soo saartay dagaalka ka dhex socda Somaliland iyo Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali