Allbanaadir.com
NEWS

Taliska Booliiska Somalia iyo AMISOM oo kawada hadlay Sugida amniga Doorashada (Sawirro)

Taliska ciidanka booliiska federaalka Soomaaliya iyo madaxda ciidamada AMISOM ayaa kawada hadlay sida ay isaga kaashan lahaayeen amaanka doorashada Soomaaliya gaar ahaan goobaha la qorsheeyay in ay ka dhacaan doorashooyinka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen, Cabdi Xasan  (Xijaar) ayaa la kulmay madaxa Amisom ahna wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha midowga Afrika Ambassador, Francisco Madeira iyo saraakiil kale oo katirsan ciidamada AMISOM.

Labada Dhinaca ayaana kawada hadlay sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen sugida amaanka doorashada oo la filayo in madaxda Soomaalida heshiis ka gaaraan kadibna loo dhaqaaqo qabashada doorashada.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa u sheegay Madaxda AMISOM iyo saraakiisha kale ee ciidamada AMISOM in laga maarmaan tahay in ay iska kaashadaan amaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashada Xildhibaanada iyo mida madaxda lagu dooran doono

Ciidamada Booliiska AMISOM iyo kuwa milatariga ayaa la filayaa in ay gacan ka geestaan sugida amaanka doorashada dalka oo la filayo in ay ka dhacaan qaar kamid ah magaalooyinka maamul goboleedyada iyo Caasimada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Xarigga ka jaray Waddada 30-ka oo Dib u dhis Qurxoon lagu sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Israa’iil oo ku adkaysatay inay jawaab ka bixinayso weerarkii Iran iyo caalamka oo indhaha…

Cabdi Cade

Magaca iyo Sawirka Askarigii Mareykanka looga dilay Duleedka Kismaayo oo la shaaciyay (Sawirro)

Cabdi Cade