Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo ka mahad celiyay Taageero balaaran oo loo muujiyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka mahadceliyay taageerada Shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta oo ay ku jiraan Midowga Murashaxiintu u muujiyeen dadaallada uu wado

Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay kuna taageeray Ra’iisul Wasaaraha sida uu u doonayo in laga heshiiyo khilaafka loona aadi lahaa doorasho raali laga wada yahay.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xoogga la saaro isu tanaasul, is qancin iyo walaaltinimo si ahmiyadda loo siiyo badbaadada  Shacabka Soomaaliyeed iyo dalka u aado doorasho la isla ogol yahay oo dhaqso ku qabsoonto.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa taageeray sida Ra’isul Wasaare Rooble u wajahayo shirka arimaha doorashada looga hadlayo iyo sidii heshiis loo gaari lahaa, waxaa sidoo kale dadaalada Ra’isul Wasaaraha taageero u muujiyay qaar kamid ah wadamada Caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jen. Odawaa oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo War kasoo saaray dilkii loo geystay Suldaan Rashiid Durre

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo ka hadlay doorashadii dhacday iyo Guushii Cabdiraxman Cirro

Cabdi Cade
Taboola Ads ---