Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlad si qarsoodi ah u siisay Ururka Xamaas Diyaarado iyo Qalab kale oo casri ah

Muddadii ay socdeen dagaalkii u dhexeeyey ururka XAMAAS iyo Israel ayaa waxay Iran u soo daabushay Qalab iyo Teknoolajiyad Ururka Hubeysan ee XAMAAS ee Reer Falastiin, si ay ugu adeegsadaan Wershad Difaac iyo inay weerarada ka qaadaan Qasa.
Khubarada ayaa rumeysan in Diyaardaha Darooniska casriga ee ay Iran teknooljiyadeeda u soo gudbiyeen Dhaqdhaqaaqa XAMAAS, iyadoo Darooniska tiijaabo ahaan loogu eegay Awoodda Nidaamka Difaaca Gantaalladda Israel ee Iron Dome Defence System.
Cabsida dagaalkii 11-ka maalmood ee u dhexeeyey XAMAAS iyo Israel waxa uu Israel ku khasbay inay Gantaallada noocaasi ah u daabulaan Xeebta Mediterranean Sea, si ay u difaacaan Maraakiibta Ilaaladda haya iyo Goobaha Gaaska iyo dhulka Israel.
Khabiir Douglas Barrie oo ka tirsan Machadka Caalamiga ee Istaraatijiyadda ayaa sheegay inay iska cadahay inay XAMAAS heleen taageero Dibedda oo ka timid dalka Iran.
Waxa uu tilmaamay inay Iran daraasaad ku haysay fal-celinta Droniska XAMAAS ee Israel, waxaana la fahamsan yahay inay Dowladda Iran ka tusaale qaadanayso Nidaamka Weerarka ee Teknoolajiyada ay XAMAAS ku dagaal galeen.
Iran waxay Teknoolajiyadiisa u adeegsan doontaa colaadaha soo socda iyo Dagaalka Israel.
Ugu yaraan 6 ka mid ah Darooniska ay XAMAAS ku weerareen Isarel ayey Ciiddanka Israel hawada ku toogteen.
Darooniska la soo riday ayaa la sheegay inay noocoodu ahaa KAMIKAZE, kuwaasi oo laga soo duulin jirey magaalladda Qasa.
Xubno la shaqeeya Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Islaamiga ee Iran ayaa la rumeysan yahay inay si qarsoodi ah XAMAAS ugu soo gudbiyeen Diyaaradaha Darooniska ee nooca Abaabil 2, waxayna Dagaalamayaasha XAMAAS bareen sida Darooniskaas loogu rakibay Madaxyada dagaalka ee Qarxa.
Diyaarad Daroon oo ay XAMAAS ugu magac dareen The Shehaba waxay xambaaran karaan 30 Kiilogaram oo Madax Dagaal, oo awood u leh inuu jaro xawaare dhan 250KM saacadiiba (250kph).
Daroonka The Shehab waxaa lagu borogaraamiyey Qalabka GPS-ka iyo Sawirada Dayax-gacmeedka, si ay u helaan barta la beegsanayo.
4,000 oo Gantaal iyo dhowr Diyaaradaha Drooniska ayaa lagu qiyasaa inay XAMAAS ka soo ganeen magaalladda Qasa muddadii ay socdeen colaadda ay kual jireen Israel.
Khubarada ayaa rumeysan haddii ay XISBULLAAHI ku lug yeeshaan dagaalka inay adeegsan doonan Gantaalladda laga hago Dayax-gacmeedka ee ay Iran horumarisay.
W/Q Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Banaan bax looga soo horjeedo dil maanta ka dhacay Muqdisho oo sii xoogeestay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Gabar 18-sano jir ah ka careesiisay Shacabka iyo dowlada Iiran oo la xiray (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Hanka Siyaasadeed ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo is badalay kadib go,aankii ICJ

Cabdi Cade