Allbanaadir.com
NEWS

Xog ku aadan Qodobka ugu adag ay ka arinsanayaan Madaxda Shirka uga socdo Afisiyooni

Shirka wadatashiga Qaran ee u socda Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa galay maalintii labaad ,waxaana shirkan looga arinsanayaa arimo xasaasi.

Madaxda dowlada iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa sida wararku sheegayaan is afgarad ka gaaray qodobada qaar ee shirka looga hadlay, waxaana inta badan shirka diirada lagu saarayaa hirgalinta qodabdii lagu heshiiyay 17-september ee sanadkii hore.

Qodobka ugu adag ee shirka diirada lagu saarayo ayaa sida aan xogta ku helnay noqday arinta Somaliland, labo garab ay u qeybsan yihiin siyaasiyiinta Somaliland ayaana ka biyo diidan qodob is faham ah oo lagu gaaray shir horey Baydhabo uga dhacay.

Shir Baydhabo ku yeesheen Guddi matalayay DF iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa la isku fahmay in guddiga doorashada ee matalaya gobolada Waqooyi kala qeyb sadaan Gudoomiyaha aqalka sare iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka.

Madaxda Dowlada iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaana la filayaa in shirkooda maanta is faham ka gaaraan qodobada qaar ay maanta ka doodeen, waxaana rajo wanaagsan laga muujinayaa shirkan uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare Rooble .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Golaha shacabka Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Gabar ninkii ay Jecleyd ku dhax guursatay Isbitaal iyo Sababta keentay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

G/Banaadir oo ka soo horjeestay qoraalkii ka soo baxay Wasaarada Waxbarashada (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---