Allbanaadir.com
NEWS

Maqaayad weyn oo kutaala magaalada Muqdisho oo hada gubaneysa

Maqaayada Qoobey oo kamid ah Maqaayadaha waa weyn ee kuyaala magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunteeda Labo Dhagax ee degmada Wardhiigley ayaa waxaa goordhaw qabsaday dab xoogan.

Goobjoogayaal ayaa noo sheegay in dab xoogan mar qura ka kacay maqaayada xili halkaasi dad kala duwan ku sugnaayeen, waxaana wali lagu guuleesan daminta dabkaasi qabsaday maqaayadan oo ah mid weyn.

Wali lama oga khasaaraha nafeed ee ka dhashay dabkan qabsaday maqaayada Qoobey oo kamid ah maqaayadaha ugu weyn ee kuyaala Muqdisho, waxaana  socda dadaalo la doonayo in lagu damiyo dabkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoor Qoor oo guddoomiyay Shir looga arrinsanayay howlgal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Ragii kufsiga iyo Dilka u geestay Caaisho Ilyas oo saakay mar kale Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay kulan uu qeyb ka ahaa Deni oo ka dhacay Guriga Xasan Sheekh (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---