Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta,.
Kulanka ay yeesheen Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah musharaxiinta ayey uga wada hadleen xal u helida arrimaha doorashooyinka iyo sidii madasha xisbiyada ay u taageeri lahaa shirka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka.
Labada Dhinac ee kulanka yeeshay ayaana is dhaafsaday aragtiyo kala duwan ay ka qabaan shirka looga hadlayo arimaha doorashada iyo sida uu ku guuleesan karo, waxa ayna labada dhinac rajo ka muujiyeen in shirkaasi miro dhalo.
Madaxda Dowlad goboleedyada oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah ay la qaadanayaan musharaxiinta mucaaradka iyo siyaasiyiinta kale si ay uga tashadaan shirka arimaha doorashada ee ka furmay Muqdisho.
Â
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com