Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo caawa ka dhacay Magaalada Baydhabo

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay shan kalena wey ku dhaawacmeen qarax caawa ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday bam gacmeed ayaa ka dhacay isgoyska Boqoleyda oo ku yaalla xaafadda Bardale ee magaalada Baydhabo.

Bamka ayaa lala beegsanayey askar ka tirsan ciidamada DF oo ku sugnaa goob Qaadka lagu iibiyo oo ku taalla isgoyska sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen.

Dadka dhimashada iyo dhaawacyadu soo gaareen ayaa waxaa ku jira haween iyo caruur goobtaas ku sugnaa oo loola cararay goobaha Caafimaadka.

Ciidamada amaanka Koonfur galbeed oo halkaas gaaray ayaa wada baaritaano, iyadoo aan gacanta lagu dhigin raggii ka dambeeyey bamkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Liibiya oo si caro leh uga hadashay go’aankii ka soo baxay dowlada Masar

Caydiid Ali

Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida oo afar arrimood kala dooranaya

Caydiid Ali

DF oo war cusub ka soo saartay cudurka COVID-19 & dad cusub oo u dhintay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---