Baraha Bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa lagu faafiyay warar sheegaya in Shirka Maanta u furmay Madaxda DF iyo kuwa maamul Goboleedyada heshiis hordhac ah lagu gaaray.
Hase ahaatee Afhayeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Somalia Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa beeniyay wararka la faafiyay ee sheegay in Shirka heshiis looga gaaray qodobo ka mid ahaa kuwii lagu muransanaa.
Macalimuu ayaa xusay in uusan jirin wax heshiis ah oo la gaaray Maanta, isla markaana Shirka uu bilowday kaliya Jawi wanaagsan, la iskuna soo laaban doono berri si looga doodo xalna looga gaaro caqabadaha jira.
“Wararka qaar ee leysla dhexmarayo ee sheegaya in ay jiraan qodobo lagu hishiiyay isla maalinka furitaanka Shirka Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka ee uu shir guddoominayay Ra’isu Wasaare Rooble waa been abuur aan sal iyo raad toona laheyn. Shirka jawi wanaagsan ayuu ku bilowday wuuna sii socon doonaa inshallah. Hishiis rasmi ah marka waan idinla wadaagi doonnaa” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facebook.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com