Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo ka hadlay shirka Muqdisho uga furmaya Madaxda Soomaalida

Qoraal kooban oo ka soo baxay Waaxda arrimaha dibeda ee Mareykanka ayaa waxaa taageero buuxda looga muujiyay dadaallada uu Ra’iisul wasaaraha Dalka Maxamed Xuseen Rooble ku agaasimayo shirka dib loogu bilaabayo ee wada hadallada doorashooyinka ee maanta ka furmaya Muqdisho.

Mareykanka ayaa qoraalkan ku muujiyey iney RW Rooble gacan ku siin doonaan dedaalada ku aadan sidii heshiis mideysan looga gaari lahaa doorashooyinka.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa waxay ku baaqeen madaxda Dawladda Federaalka ah iyo Madaxda Dawladaha Xubnaha ka ah inay shirka ka qayb galaan si ku dhisan niyad wanaag oo aan lahayn wax shuruud ah.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa la filayaa in uu si rasmi ah maanta oo Sabti ah uga furmo magaalada Muqdisho, kaasoo uu shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faransiiska oo loogu baaqay inuu wax ka qabto cunsuriyadda ay ku kacaan ciidamadiisa boolisku

Cabdi Cade

Abaabulka Banaan bax ka dhan ah Ra’isul Wasaare Rooble oo si xooggan u socda

Cabdi Cade

(Sawirro) Axmed Madoobe oo qaabilay guddiyada doorashada iyo Xildhibaanadii la doortay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---