Qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ayaa gaaray marxalad khatar ah kaddib markii Golaha Shacabka afgambi ku kordhiyay xilhaynta madaxweynaha, taasoo sii hurisay xiisadii taagneyd. Fowdada oo lahayd astaamo aan meelna uga banaanayn heshiis “Ninkii raayo reerka ha u haro” ayaa ka dambaysay rajo wax ku ool ah oo loo mari karo wax ka qabashada siyaasadda cakiran.
Dejinta Xiisadaha
Jebinta Guddoomiye Maxamed Cabdiraxmaan Mursal xeerarka dastuurka ayaa muran gelisay jahada dalka u socodo. Balse, dib uga noqoshadii muddo kordhintii Abril 2021 ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ku wareejintii Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Roble xilka amniga iyo hirgelinta doorashooyinka ayaa soo bandhigay isbeddel ku cusub siyaasadda dalka.
Tillaabadaas waxay bilow u noqotay qab looga bixi karo xiisadii iyadoo sida Rooble uu u maareyay ka bixintii ciidamada lasoo tubay magaalada Muqdisho ay siisay dowladda fursad labaad. Ra’iisulwasaare Rooble oo niyad-sami ugu tegay musharrixiinta madaxweynaha qaarkood ayaa iyana yareysay kalsooni-darrada ka jirtay labada dhinac, suurtgagalna ka dhigtay in la qabto wadahadallada doorashooyinka dib u dhacay.
Isbeddelka curtay, waxaa imtixaan weyn ku ah maareynta madaxda xal-diidka ah ee maamul-goboleedyada Puntland-Jubbaland si heshiishkii September 2020 loo hirgeliyo iyadoo is-fahamkii Baydhabo ee February 2021 lagu xallinayo dhibaatooyinkii dhaliyey kalsooni-darrada.
Dad badan ayaa rumeysan in dhaqanka Beesha Caalamka sii xumayay murugsanaanta wada-xaajoodka dhowr siyaaboodba:
(1) Iyagoo u moodey inay fududeynayaan wadahadallo caafimaad qaba farahana uga qaaday jilayaasha siyaasadda inay gaaraan go’aan ku salaysan danta dalka;
(2) Arrinta markii ay murugtay oo aysan soo bandhigin hindise labada dhinac ku heshiiyaan;
(3) Dadaalkoodii oo ku koobnaa cadaadinta dowladda iskana indhatirayey xujooyinka Puntland-Jubbaland oo jilayey doorka dhibbanayaal; iyo
(4) Badbaado Qaran oo aan dooneyn doorasho heshiis lagu yahay inta Farmaajo uu tartamayo oo aysan u arag khatar.
Culayska ismariwaaga doorashooyinka ma ahayn mid aan u muuqan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba. Golaha Amniga Qaramada Midoobay ayaa March 2021, digniintii ugu culusayd uu diray “Dowladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyadaba.”
Maxaa Hadda La Filan Karnaa?
Lama dafiri karo in qaladaadkii Golaha Shacabka uu Soomaaliya ku riday xaalad qallafsan, wiiqay muuqaalka dowladda federaalka sumcad dilayna Farmaajo. Balse mucaaradka, oo tayadiisu, nasiibdarro, tahay wax la saluugo, kuma ammaanna fadeexadii ay ku kaceen iyo saameynta ay ku yeelatay dowladnimada dalka.
Waxaase jira walaac laga qabo in qaar ka mid ah dowladaha gobolka ay dhibaatada Soomaaliya uga faa’iideysanayaan danahooda. Nasiibdarro, Saciid Cabdullahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ma yeelan kal-adeeg ay iskaga xoreeyaan culaysyada kaga imaanayay Imaraadka iyo Kenya.
Loollanka siyaasadeed ee gudaha iyo karti-xumida beesha caalamka oo ay wehlisay faragelin shisheeye waxay, si ka duwan sidii la filayey, u soo jiiteen indhaha Moscow iyo Beijing oo u hanqaltaagayay buuxinta daldaloollada jira. Inkastoo heer-kulka siyaasadda Soomaaliya uu karkarayey, haddana Brussels, London iyo Oslo waxay u muuqdeen kuwo aan wax ugu ool sugidda xalal hufan.
Dabcan dhacdada oo muujisay calaamado aad u walaac badan oo dib u noqosho ah ayaa Washington ku khasabtay inay miciin bido Dooxa si loogu kala dabqaado isma-hurtada isku haya siyaasadda Soomaaliya, taas oo ah isbeddel aan horray looga sugeyn.
Shaki kuma jiro in xaaladdu ay tahay mid aan caadi ahayn oo u baahneed tillaabada Washington-Dooxa. Ergeyga Qadar Mutlaq bin Majed Al-Qahtani waxuu isku maray Hargeysa, Muqdisho, Nairobi iyo Jabuuti. Madaxda dowladdaha ka sokow, waxuu niyada u qaboojiyey mucaaradka ay ka mid yihiin Xasan Sheikh Maxamuud, Cabdi Xaashi Cabdillahi, Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Sidoo kale, waxaa magaalada Kismaayo kula kulmay Axmed Madoobe taliyaha ciidamada Mareykanka ee AFRICOM General Stephen Townsend oo siday fartiin aan cidna lala wadaagin. Dadaalku ma yarayn mase la hubo in ay wax ka soo bixi doonaan iyo in kale! Haddii xitaa ismariwaaga weli sii jiitamo oo aan la xallin, isbeddel tayo leh ayaa ku dhacay bulshada Soomaaliyeed, taas oo aan rabin rabsho, balse dooneysa in dalkooda lagu dhiso dimoqraadiyad loo dhan yahay iyo xukun si nabdoon layskugu wareejiyo.
W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com