Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Beesha caalamka oo War ka soo saartay go’aankii DF ku diiday wakiilkii Midowga Afrika

Beesha caalamka ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado tilaabadii dowlada Soomaaliya ku diiday  wakiilka Sare ee Midowga afrika u soo magacaabay dhexdhexaadinta Arrimaha doorashooyinka dalka

Midowga Afrika (AU), Midowga Yurub (EU), Golaha Iskaashiga  (IGAD), iyo Qaramada Midoobay (UN) oo War-saxaafadeed Wadajir ah soo saaray Waxay sidoo kale taageero u muujiyeen dedaalada uu wado Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble..

“Waxaan si qoto dheer uga xunnahay go’aankii ka soo baxay hoggaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee lagu diiday Wakiilka Sare ee Midowga Afrika ee Soomaaliya; waxaana hoosta ka xariiqeynaa doorka muhiimka ah ee Midowga Afrika ee horumarinta nabada iyo amniga Soomaaliya” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Dhinaca kale War-saxaafadeedka ayaa taageero buuxda loogu muujiyey qabashada Ra’iisul Wasaaraha ee shirka dib loogu bilaabayo wadahadalka; Waxaana loogu baaqay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka inay si daacad ah oo shuruud la’aan ah uga qayb galaan shirka; kuna dhiiradaan  inay ka shaqeeyaan heshiis la isla oggol yahay oo ku saabsan hirgelinta heshiiskii Sebtember 17, kaasoo ay ku jiraan talooyinkii 16kii Febraayo ee Guddiga Farsamada ee Baydhabo, oo aasaas adag u ah qabsoomidda doorashooyinka dib u dhac la’aan iyo waqti cayiman.

“Waxaan si xoog leh ugu dhiirrigelinayaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay dejiyaan qorshe dhab ah oo lagu hirgelinayo qoondada haweenka ee ugu yar 30%, iyadoo la xoojinayo muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda haweenka iyo xoojinta ka qaybgalkooda siyaasadeed” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Guriceel oo xabsi ku guray shacab dibed-bax dhigay & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

(Sawirro) Qarax caawa ka Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceel-Waaq oo la dhaariyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---