Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Beesha caalamka oo War ka soo saartay shirka wadatashiga ee ka furmaya Muqdisho

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya – Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DFS-DGXDF) ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si  loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya.

Waxaan ku bogaadinaynaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble qabashada shirkan waxaana rajeynaynaa in uu sii hoggaamin doono geedi-socodka doorashada, oo ay ku jirto amniga doorashada.

Waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka dhammaan madaxda DGXDF ee ka-qaybgalka shir-madaxeedka si shuruud la’aan ah.

Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan madaxda DFS iyo DGXDF inay sameyaan tanaasul wax-ku-ool ah si heshiis dhakhso leh loo gaaro, dalkuna uu si dhakhso leh u qaban-qaabiyo doorashooyin ku saleysan Heshiiskii 17kii Sebtember.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Related posts

Howlgalada ka dhan ka ah Al-shabaab oo ku fiday Bakool & ciidanka DF oo..(Sawirro)

Caydiid Ali

Dadka u dhimanaya iyo kuwa uu ku dhacayo Covid-19 gudaha Somalia oo sii kordhay

Cabdi Cade

Rag Shabaabnimo lagu eedeeyay iyo Qaraxyo la qabtay oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---