Waxaa soo baxaya warar cusub oo laga helay gabar lagu faafiyey baraha Bulshada inay is-dishay magaalada Muqdisho xilli ay iska duubeysay muuqaal Tiktok ah.
Gabadhan ayaa lagu magacaabi jiray Rumaan C/qaadir, waxaana da’deeda lagu sheegay ilaa 14 sano jir, iyadoo maanta la aasay ayaa baaritaankii xarunta CID-da waxaa uu muujiyey in gabadha la dilay, markii la baaray qaabka ay rasaastu ugu dhacday.
Qoyska gabadha ayaa sheegay in baaritaanka lagu ogaaday in rasaasta looga dhuftay madaxda dhinaca danbe, isla markaana jirkeeda laga helay Jirdil, iyadoo qofkii dilka u geystay la aqoonsaday.
“Shalay oo ay taariikhdu aheyd 19/05/2021Abaaro 16:58 Galabnimo, waxaa Xarunta Hoggaanka Baarista Dembiyada la keenay meydka Marxuumad Rumaan Cabdulqaadir Maxamuud, Inna faadumo Cabdulqadir Axmed 14jir aheyd ku Dhalatay Xamar Degeneyd Degmada Yaaqshiid taasoo ay ku dhacday rasaas Bastooladeed degmada Yaaqshiid gaar ahaan Xaafada Suuq-Bacaad. Ehelada Marxumada ayaa u sheegay Hoggaanka Baarista Dembiyada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, inaysan jirin wax rasaas ah oo ay isku fakisay. Balse, lagu fakiyay. Sidaas daraadeed, Hoggaanka Baarista Dembiyada ayaa baaraya arrinta iyo sida ay u dhacday, natiijadana Ummadda iyo ehelkeeda ayaan la wadaagi doono” ayuu lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska Booliska
Falkan ayaa ka dhacay xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid, waxayna ehelada gabadha yar sheegeen in la dilay oo dilkeeda uu ka dambeeyay qof guriga kula noolaa, arrintaasina ay waanwaan u socoto oo hadda ay ka wadahadlayaan dadkii qofka dilka geystay.
Gabadha adeerkeed ayaa isagoo ku sugan Qabuurihii lagu aasay gabadha sheegay inay wada-xaajood la leeyihiin odayaasha wiilka ka danbeeyay dilka gabadha, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in laga faafiyo been abuur.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com