Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta ka Shiray labo arin oo xasaasi ah

Golaha wasiirrada Somaliland ayaa maanta shir ku yeeshay Hargeysa, waxaana shir guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, shirka golaha wasiirrada, ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo la xidhiidha u diyaargarowga iyo hirgelinta doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee qorshaysan 31-ka Bishan May 2021.

Shirka maanta oo uu Ajandihiisu ahaa Adkaynta Amniga doorashada iyo caddaynta xilka golaha wasiirrada saaran,, ayaa ugu horrayn warbixinno lagaga dhegaystay wasiirradda arrimaha gudaha iyo horumarinta maaliyadda, kuwaas oo caddeeyey inay dhammaystireen dhammaanba wixii dhanka Amniga iyo dhaqaalaha la xidhiidha ee dhinacooda looga baahnaa hirgelinta doorashooyinkaas qaranka muhiimka u ah.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirka ka jeediyey hadal dardaaran iyo dhiirrigelin ah, ayaa faahfaahiyey baaxadda amni iyo midda dhaqaale ee ay doorashadu leedahay iyo sida ay xukuumaddu uga soo dhalaashay kaalintii kaga aaddanayd, waxana uu yidhi,

“Qolada Amnigu waxay inoo warrameen in kharashkii, ciidamadii ammaanka iyo maamulkii ay laban-laabmeen, marka doorashooyinkii hore loo eego, waxana la hawlgeliyey 11,000 oo askari, si 2,800 oo goobood ammaankooda loo sugo, intaana waxa dheer ciidamadii kale oo heegan ku jira oo xuduudaha dhammaantood xidhaya, waana qorshe aad inoogu culus dawlad ahaan, wasaaradda Ammaankuna waxay inoo xaqiijisay in wixii miisaaniyad looga baahnaa hawlahaas dhaqaaqaya ay fuliyeen.”

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in shaqaalaha dawladda iyo ciidamada qaranku mamnuuc ka yihiin, xukuumad ahaanna ay arrintaas dabbaqayaan,“Shaqaalaha dawladdu hadduu ciidan yahay iyo hadduu shaqaale dawladeed yahay siyaasadda wuu ka reebban yahay, waana u dhex oo shaqadii qarankuu wadaa, sharcigaana sidaas ina faraya, waana aynnu ku dhaqmaynaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha golaha wasiirrada faray inay gutaan waajibkooda xisbi iyo midka qaran ee ka saaran hirgelinta iyo dardargelinta doorashada, kuna laabtaan gobollada kala duwan ee dalka, waxana uu yidhi,“Siyaasiyiinta, gole Baarlamaan, Dawlado hoose iyo intii Doorasho ku timi, maanta waa siyaasiyiin, waxana ay ku jiraan shaqadoodii siyaasiga ahayd oo ay xaq u leeyihiin oo nin walba laga rabaa inuu hawshiisii siyaasiga ahayd guto, markaa idinka waxa intaas idiin dheer tii siyaasiga ahayd ee xisbi ee aad ka tirsanayd idinkoo tii qarankana metelaya, labadaas koofiyadoodba waa inaad sidooda u fulisaan oo gobolladii la tago,”

Ugu dambayntii waxa uu golaha wasiirradu fariin u diray qaybaha kala duwan ee shacabka reer Somaliland, waxana uu ugu baaqay inay iyagoo isku duuban oo midaysan ay ka hawlgalaan nabadgelyada amniga, kana shaqeeyaan sidii ay doorashooyinkaasi Amni iyo nabadgelyo ugu qabsoomi lahayd.

 

Related posts

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Khilaafka ka taagan Doorashada Guddoonka Gollaha Shacabka

Cabdi Cade

Khilaaf ka dhex curtay Ilhan Cumar & xubno ka tirsan Xisbigeeda Dimoqraadiga

Caydiid Ali

Ciidamo dhar cad ah oo maanta gudaha loo galiyay xarunta ay ku shiraan Baarlamaanka !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---