Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo la wareegtay Hogaanka Ururka Hay’daha Hantidhawrrada Afrika

Ururka Hay’daha Hantidhawrrada Guud ee Afrika ee af-Ingiriisiga ku Hadla (AFROSAI-E) ayaa maanta Guddoomiyaha Golaha Maamulka ee saddexda sano ee socota (2022-2024) u doortay Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya Mudane Maxamed Maxamuud Cali. Ururka ayaa sidoo kale Guddoomiye Ku-xigeen u doortay Hantidhawraha Guud ee Kenya Marwo Nancy Ganthungu.

Xilkan oo ah mid wareegto ah ayaa waxaa horay u hayay Hantidhawraha Guud ee Siera Leone Marwo Lara Taylor-Pearce.

Ururkan oo magaciisa oo loosoo AFROSAI-E ayaa waxaa ku midaysan Hantidhawrrada Guud ee dalala Afrika ee ku hadla af-Ingiriiska iyadoo xaruntiisu shaqadu ay tahay dalka Koonfur Afrika. Soomaaliya ayaa xubin firfurcoon ka ah Ururkan kaasi oo Hantidhawrrada Guud ka taageera dhanka horumarinta maamulka iyo shaqada hay’ adaha.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa muddooyinkii danbe hirgaliyay tallaabooyin dib-u-habayn iyo horumarin isugu jira kuwaas oo uu ku mutaystay aqoonsi heer gobol iyo mid caalami ahba. Soomaaliya ayaa labadii sano ee u danbaysay waxa ay soo saaraysay warbixinno baariseed ku salaysan Hannaanka Baarista Caalamiga ee loo yaqaan ISSAIs.

Baaritaannada uu sameeyo XHGQ iyo talo-soojeedinnada la socda ayaa muhiim u ah daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka maamulka maaliyadda dalka iyo hannaanka dayn cafinta.

Related posts

Saciid Deni oo warbixin siiyey wafdi ka socday dowlada Kuwait (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xamaas oo sii deysay Labo Maxbuus oo Mareykan ah iyo hal arrin oo Sababtay

Cabdi Cade

(Falanqeyn) Muuse Biixi ma ka badbaadi karaa dembi dagaal iyo Maxkamad caalami ah?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---