Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxda dowlad goboleedyada dalka si ay uga qeyb galaan shirka wadatashiga ee looga hadlayo arimaha doorashada ee khilaafku hareeyay.
Muqdisho waxaa hada ku sugan Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor oo xalay Muqdisho soo gaaray, waxaana maanta la filayaa in Madaxda kale dowlad goboleedyada soo wada gaaraan Muqdisho.
Waxaa socota qaban qaabadii ugu dambeesay ee qabsoomida shirka wadatashiga arimaha doorashooyinka uu iclaamiyay Ra’isul Wasaare in maanta ka furmayo Muqdisho, waxaana suurto gal ah in shirka furmo galinka dambe ee maanta ama beri u dhaco.
Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in shirka sida loo qorsheeyay ku socdo, waxa uuna cadeeyay in maanta Muqdisho imaanayaan Madaxda dowlad goboleedyada ee maqan.
Shirka looga hadlayo arimaha doorashada dalka ayaa ka dhacaya xarunta Afisiyooni ee xeendaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana shirkan hooshiisa wada oo la wareegay arimaha doorashada Ra’isul Wasaare Rooble.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com