Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Adan Cabdulle iyadoo ay halkaas kaga hortageen qaar ka mid ah Wasiirada XFS, xubno ka tirsan labada aqal ee BFS iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha ayaa Muqdishu soo gaaray kadib casuumaad kaga timid Ra’iisul Wasaaraha XFS ee Shirka Wadatashiga qaran oo lagu wado inuu barri si rasmi ah u furmo.
Qoorqoor ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyey dowlad goboleedyada ee shirka wada tashiga u yimaada Muqdisho, iyadoo la filayo in madaxda kale ay magaalada soo gaaraan saacadaha soo socda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com