Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Faahfaahin: Taliyihii Ilaalada Guddoomiyaha Sh/dhexe oo qarax lagu dilay

Kolonyo uu la socday Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa qarax lagu beegsaday duleedka bari ee magaalada Jowhar ee xaruunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa ay halleeshay gaari Cabdi-bille ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan ilaalada guddoomiya Shabeellada Dhexe.

Ugu yaraan Labo askari ayaa ku geeriyootay dhowr kalana way ku dhaawacmeen sida wararku nagu soo gaarayaan.

Taliyihii Ilaalada Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe Gen. Dhicisow ayaa ka md ahaa askarta ku geeriyootay qaraxan

Kolonyada ayaa ku sii jeeday degaanka Qoordheere oo ka tirsan degmada Raagge Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Dhinaca kale dagaal maanta ka dhacay magaalada Jowhar ayaa joogsaday kadib markii ay isaga baxeen magaalada maleeshiyaadka Macawisleyda ee gudaha u soo galay magaalada saaka, waxaana haatan xaalada magaalada.

Madixii Amniga Madaxweynaha Hirshabelle iyo Madixii Habmaamuuska madaxweynaha ayaa ka mid ahaa dadka dagaalka ku geeriyooday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkii Wadatashiga oo lagu kala tagay iyo Madaxda qaarkood oo ka dhoofay Garawe

Cabdi Cade

Shaqsiga ku guuleestay xilka Madaxweynaha Somaliland oo lagu dhawaaqay

Cabdi Cade

(Sawirro) Dowlada Qatar oo soo fara gelisay khilaafka ka taagan doorashooyinka Somalia?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---