Allbanaadir.com
NEWS

Wadooyinkii Muqdisho ee dhawaan la furay oo mar kale dib loo xiray iyo shacabka oo ku dhiban

Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa xasilinta ayaa xoojiyay sugida amaanka magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamadan inta badan xireen una diideen gaadiidka shacabka in ay maraan qaar kamid ah laamiyada Muqdisho.

Dowlada ayaa bilowday in mar kale dhagxaan iyo caro  tuur dhigto wadooyinka jid cadayaasha si aysan u marin gaadiidka , waxaana mar kale dib loo xiray wadooyinka kasoo baxa Laamiga Wadnaha ee soo aada dhinaca Laamiga Maka Al Mukarama.

Dhoor bil kahor ayey aheyd markii dowlada dhagxaanta ka qaaday Wadada Wadnaha sidoo kale ciidamada laga qaaday isgoosyada, waxaana dowlada xiligaas dhagxaan dhigtay wadooyinka kasoo baxa laamiga Warshadaha.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa dhibaato xoogan ku qaba wadooyinkan dib loo xiray, waxaana shacabka ku adkaatay in mootooyin iyo gaadiid ku maraan wadooyinka magaalada Muqdisho xili lagu guda jiro diyaargarowga munaasabada ciida.

Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale xiray dadkana u diidaya in ay gaadiid ku maraan Isgoosyada , waxa ayna inta badan ciidamada wadooyinka u ogolaanayaan dadka u shaqeeya dowlada ee wata ID-cardyada.

Magaalada Muqdisho ayaa inta lagu jiro bisha Ramadaan ka dhicin wax qarax ah, hasa ahaatee waxaa magaalada ka dhacay dilal aad u badan oo loo geestay dad shacab ah ay ku jiraan Odayaal, askar iyo dad kale oo dowlada u shaqeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Yaa ka qayb galaya Shirka Dhuusamareeb , Maxaase laga fahmay khudbaddii Farmaajo?

admin

Saraakiil Ciidan iyo dad kale oo loo xiray Shirqool lagu dili lahaa Madaxweyne Rajoelina

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka uga mahadcelisay Fulinta Mashaariic (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---