Allbanaadir.com
NEWS

Guddi Wasiiro iyo Saraakiil loo saaray baarista dil argagax leh oo ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi isugu jira Wasiiro iyo saraakiil u magacaabay baarista dil dhowaan Muqdisho loo geystay askari ka tirsanaa ciidanka Dowlada .

Guddiga loo xilsaaray barista kiiskan waxa ka mid ah wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta  Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka  iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Benaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Qaroole.

Waxa ay maanta la kulmeen guddiga Wasiirada iyo saraakiisha isugu jira ehelada askariga sida arxan darada ah loogu dilay magaalada Muqdisho, waxa ayna ka dhageesteen cabashada ay qabaan waalidiinta iyo cida ay tuhmayaan.

Mas’uuliyiint ayaa si degan u dhageystay cabashada ehelada marxuum Maxamed Mukhtaar Sheikh Maxamed Ciroobe iyagoo ehelada ka balan qaaday in dhacdadan oo ka hor imaanaysa Qaranimadda iyo Insaanimadaba ay si mas’uuliyad leh u baari doonaan.

Askarigan la dilay ayaa la sheegay in uu kamid ahaa ciidankii Badbaado Qaran ee kahor yimid mudo kororsiga, waxaana askarigan inta la dilay meydkiisa lagu riday god qashin oo kuyaala banaanka Iskool Buliisiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada oo ka wal walsan halista uga imaan karta Baraha Koontarool ee Muqdisho yaala

Cabdi Cade

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Heer Federaal oo doortay Gudoomiye

Cabdi Cade

Villa Somalia oo Fashilka ka yimaada Mudo kororsiga Dusha ka saartay Gudoomiye Mursal !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---