Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Shariif oo ka hadlay Xuska 18-ka May amaana u jeediyay maamulka Somaliland

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa hambalyo ku aadan xuska 18-ka May u diray Somaliland, waxa uuna ku amaanay maamulka Hargeysa , xasilloonida Siyaasadeed iyo hirgalinta nidaamka doorashada qof iyo cod ee ay ku guulaysteen.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in qadiyadda Somaliland iyo xalkeeda ay tahay arrin masiiri ah , waxa uuna xusay in muhiim tahay in mar kale la yagleelo dowladnimo lagu kalsoon yahay oo Soomaaliyeed lagana qanciyo Somaliland dhibaatooyinkii loo geestay. 
 
”Waxaan aaminsanahay in qadiyadda Somaliland iyo xalkeeda ay tahay arrin masiiri ah, muhiimna u ah dib u yagleelidda dowladnimo lagu wada kalsoonyahay oo Soomaaliyeed, taasoo nooga baahan in xil gaar ah la iska saaro, iyadoo lama huraan ay tahay in lala fariisto, la dhegeysto si looga qanciyo 30 sano ka hor dhibaatadii gaartay oo garowshiyo nooga baahan.” ayuu yiri Sheekh Shariid.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in Somaliland  tusaale wanaagsan u noqdeen 30-kii sano ee lasoo dhaafay Soomaalida inteeda kale, ayna ku guulaysteen sugidda Amniga, Horumarka Bulshada iyo in dadku ay doorasho galaan iyagoo xulanaya cidda hogaaminaysa.
Maamulka Somaliland ayaa sanad kasta u dabaal dega xuska 18-ka May oo ku calaamadeesan maalinta ay sheegeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale ,waxa ayna wali raadineysa aqoonsi si ay u noqdaan dowlad ka madax banaan Somaaliya inteeda kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Hotel Decale uga Socda Rooble iyo Musharaxiinta (Sawirro)

Cabdi Cade

Magaca & Sawirka nin qaraxyo ka geystay dalka Maraykanka oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Filim laga sameeyay weerar Al Shabaab ka geesteen Mandera oo abaalmarin caalami ah u tartamaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---