Allbanaadir.com
NEWS

Buundooyin kuyaala Muqdisho oo dib u dhis lagu sameenayo (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dib u dhis lagu sameenayo Buundooyinka ku yaala Degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
 
Dhagax dhigaan oo ay iska kaashanayaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangi kuyaala Muqdisho ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Howlaha Guud iyo Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madaxda Bangiga .
 
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulkiisa ay aad usoo dhaweenayaan cid weliba oo ka qeyb-qaadaneysa Horumarka Caasimadda iyo Dib-u-dhiska waxaa uuna ku amaanay Bangiga  dadaalka ee ku bixinayaan dhismaha Buundooyinka Mara Waaberi iyo Xamar Jajab.
 
Ugu danbeyn Duqa Muqdisho ayaa kula dar-daarmay Shacabka Gobolka Banaadir in ay ka shaqeeyaan bilicda goobaha dib-u-dhiska lagu sameenayo si loo wada ilaashado waxyaabaha danta guud ee ummuada ka wada dhaxeyso.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo War ka soo saartay duqeyn ka dhacday Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo caawa lagu dilay goob ganacsi ay ku sugnaayeen

Cabdi Cade

RW Khayre & Wasiirka A/dibaddda Norway oo ka wada hadlay xakameynta COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---