Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo mudooyinkii dambe dhageesaneysay kiiska dil ciidamo katirsan booliiska Muqdisho ugu geesteen Gudoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun ayaa go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiskaasi.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa saakay go’aamisay in kiiska dilka Gudoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun in uusan aheyn ku tala gal balse ahaa shil si kam ah ku dhacay.
Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukuno kala duwan oo lagu riday taliyihii saldhiga booliiska Howlwadaag iyo askar katirsan ciidanka booliiska oo kiiskaasi ku lug lahaa.
Halkan ka Ahhriso Magacyada eedeesanayaasha iyo xukumada lagu riday
1-Gasahaanle Shuceyb Cabdi Maxamed ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ciidan
2- Dable Bishaar Axmed Cabdi oo baxsad ah ayaa lagu xukumay 5-sano oo xabsi ah
3-Jamaal Isxaaq Cali ayaa lagu xukumay labo sano oo xabsi ciidan ah
4-Dhiblaawe Ibraahim Yuusuf ayaa isna lagu xukumay labo sano oo xabsi ciidan
5-Kulmiye Kaariye Cali ayaa maxkamada ku xukuntay labo sano oo xabsi ciidan ah
6-Faaraxd Sabriye Afrax ayaa sidoo kale lagu xukumay labo sano oo xabsi ah.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale eedeesanayaashan ku xukuntay in ay bixiyaan diyo adag oo ah magta Gudoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun iyo sidoo kale in magdhaw siiyaan labo askari oo shilkaasi ku dhaawacmay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com