Digreeto caawa kasoo baxday Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu magacaabay guddi xaqiiqo raadin iyo baaris qoto dheer kusoo sameeya dilkii dhawaan loo geestyay Sheekh Cali Axmed Faarax (Sh. Cali Dheere).
Dilka dhawaan loo geestay Sheekh Cali Dheere ayaa xiisad ka abuuray magaalada Gaalkacyo, waxaana dilkaasi si weyn uga carooday qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Koonfurta Gaalkacyo.
Madaxweynaha Galmudug oo safar ku tagay magaalada Gaalkacyo ayaanku guuleestay daminta xiisada ka dhalatay dilka Sheekh Cali Dheere, waxa uuna caawa magacaabay guddi baaritaano ku sameeya sidii uu dilku u dhacay iyo cidii ka dambeesay.
Halkan ka Akhriso Digreetada lagu magacaabay Guddiga baaristaÂ
MAGACAABID GUDDI XAQIIQO RAADIN IYO BAARIS.
Taariikh 17/5/2021
Â
Maalin: isniin
Â
Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu magacaabay Guddi xaqiiqo raadin iyo baaris ku sameeya falkii afduubka iyo dilka loogu geystay Allaha u naxariiste Sh. Cali Axmed Faarax (Sh. Cali Dheere) oo ka tirsanaa culumada Soomaaliyeed iyo dadka ka shaqeeya samafalka oo ka howlgali jiray gobolka Mudug.
Madaxweynuhu wuxuu magacaabay guddiga hoos ku xusanyihiin:-
Â
1. Avv Muumin Xuseen Cabdulaahi (Guddoomiye)
2. Avv Cabdixakiin Maxamed Xirse (Guddoomiye kuxigeen)
3.Saciid Maxamuud Jimcaale (Xogheyn)
4. G/Dhexe Maxamuud Axmed Maxamed (Cawil) (Xubin)
5. X/LE Ciise Axmed Cali (Xubin)
6. Cabdi Jaamac Cabdulle (Xubin)
7. C/risaq Khaliif Aaden (Xubin)
Â
Magacaabista guddigaan ayaa dhaqangaleysa marka uu saxiixo madaxweynuhu waana uu saxiixay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com