Maalmo uun ka dib markii Soomaaliya ay dib u soo celisay xidhiidhkii diblomaasiga ee dowladda Kenya ayey Nairobi xayiraad lamafilaan ah ku soo rogtay duullimaadyada isaga kala goosha labada dal. Malahaa Nairobi waxay cadaadis ku raadineysaa waxay ku la’dahay wadahadal, taas oo sii qoto dheereyneysa kalsooni-darradii horey u jirtay!
Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: intee in la eg ayey diblomaasiyad khasab ah beddeli kartaa siyaasadda qaadka amase saameyn ku yeelan kartaa xidhiidhka dib loo hagaajinayo ee labada dal?
Dabcan, diblomaasiyad khasab ah amase carqaladayntaba kuma cusba siyaasadda Kenya. Dowladda Soomaaliya oo dhibbane u noqotay “faraggelinteeda” ayaa December 15, 2020 ku amartay diblomaasiyiinta Kenya inay dalkeeda uga baxaan toddobaad gudahiisa. Xiisadaha u dhexeeya labada dal ayaa sii kordhayay tan iyo sanadkii 2011 markaas oo ay Kenya ku soo duushay Soomaaliya.
Sida la rumeysan yahay Nairobi ayaa riixaysay dib u heshiisiinta labada dal culays ka haysta beeralayda qaadka (miirowga) iyo dibeddaba awgeed. Dhinaca kale, kalsooni-darro Muqdisho ka qabto Kenya ayay ku timid in sharuud looga dhigo dib u soo celinta xidhiidhka diblomaasiyadda “inaysan faraggelinin arrimaha gudaha Soomaaliya.”
Wada-xaajoodyadu waxay ku socdaan geeddisocod cayiman. Waxaa xaqiiqa ah in arrimaha qaarkood ay fududaan doonaan halka qaar kalena ay qaadan doonaan waqti dheer.
Falanqeeyayaasha dhaqaalaha ayaa rumeysan inay tahay aragti gaabi in la dhayalsado khatar Kenya ku hayso dhaqaalaha Soomaaliya. In lagula xisaabtamo isku dheeli-tirika ganacsiga labada dal waa xaqiiqo aan la huri doonin waana halka boogta ka qurunsan tahay.
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya ayaa lagu yiri waxaan, “rajaynaynaa in xidhiidh caadi ah la yeelanno mas’uuliyiinta Soomaaliya oo ay ka yihiin mid ganacsi, isgaarsiinta gaadiidka, xidhiidhka dadka iyo dadka, iyo isweydaarsiga dhaqanka” (US News – 06/05/2021).
Halkaas waxaa ka cad in wejigii hore ee wadahadallada aan ganacsi iwm lagu soo qaadin. Haddaba Nairobi maxay u cagadhabaneyso!
Xayiraadaha waxay carqaladeyn doonaan dadaallada niyad samida ah waxbase kama beddeli doonaan mowqifka Soomaaliya iyo xidhiidhka cusub toona. Sida muuqata Kenya fudeedkeedii ayey markale ku dhaawacantay.
Soomaaliya ayaa markii horeba (March 2020) joojisay dhammaan duullimaadyada caalamiga ah aafada Covid-19 awgeed. Haddana iyadoo tixgelineysa heshiiska cusub ayey soo saartay digniin ay ku xaqiijineyso in qaadka uu weli “mamnuuc yahay.”
Ma aha markii ugu horreysay ee Kenya mamnuucdo duulimaadyada, balse tani waxay kaga duwan tahay ujeeddada laga leeyahay: (1) Nairobi oo ku shaqeynaysa dareen argaggax ah ayaa ku dhici la’ inay si tifaftiran ugu bandhigto beeraleyda iyo ganacsatadaba nooca heshiiska ay la gashay Muqdisho; (2) Nairobi oo u bareertay khatar ay ku xisaabtantay ayaa isku dayday inay iska indhatirto shuruucda Soomaaliya; iyo (3) Nairobi oo ka xanaaqsan inaan laga debcin siyaasaddii qaadka ayaa aargoosi iyo cadaadin ku dooneyso tanaasul.
Dhexdhexaadin Dowladda Qadar ay ka dhexwadday Muqdisho iyo Nairobi ayuu heshiiska ka dhashay. Uhuru Kenyatta ayaa laga yaabaa inuu doonayo inuu nadiifiyo caddaynta faragelinta caqabad ku ah dib u dhisidda Soomaaliya iyo xasiloonida gobolka oo intaba muhiim u ah Washington.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa sheegay in wada-xaajoodyadu marayaan heer hoose. Halkaas waxaa ka cad in Soomaalidu ay taxaddar ka tahay dib-u-heshiisiin degdeg ah waxayna sugeysaa in Kenya ay la timaad tillaabooyin la taaban karo oo muujinaya inay daacad ka tahay heshiiska intaan ganacsi iyo wax kale loo gudbin. Nairobi ha loo sheego in Soomaalidu tahay ciyaaryahano oo aysan ahayn garoon lagu ciyaaro.
W/Q Burhan Rooble
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com