Ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Diyaaradii Malaysia Airline ee lagu soo riday dalka Ukrine ayaa qabtay xus layaab leh ay u sameenayaan dadkii badnaa ee ku dhintay diyaaradaasi.
Kuraas eber ah oo gaarayay 298-kursi oo ahaa tirada dadkii ku dhintay diyaarada la riday oo la saaray ubaxyo gaduudan ayaa la dhigay banaanka hore ee Safaarada Ruushka ku leedahay magaalada Hague ee dalka Holand.
Ehelada dadka ku dhintay shilkaasi diyaaradeed ayaa rumeesan in dowlada Ruushka ka dambeysay in lasoo rido diyaaradaasi, waxa ayna dalbadeen in cadaalad helaan dadkii dhintay.
Baaris lagu sameeyay qaabka diyaarada loo soo riday ayaa lagu ogaaday in gantaal laga soo ridey Ruushka uu diyaaradda dhulka soo dhigay sanadkii 2014-kii, hasa ahaatee dowlada Ruushka ayaa arrintaas beenisay.
Diyaarada Malaysia Airline ayaa markii lasoo ridayay kasoo duushay dalka Amsterdam, waxa ayna kusii jeeday magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia, dadka diyaarada ku dhintay ayaana 196 kamid ah u dhasheen dalka Holand.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com