Allbanaadir.com
NEWS

Guddi farsamo oo ka kala socda DF iyo dowlad goboleedyada oo Muqdisho ku kulmay

Waxaa Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Guddiga Farsamada ee qaban qaabada shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo hirgelinta Doorashooyinka.

Xubnaha guddigan farsamada ayaa  ayaa ka kala socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xafiisyada shanta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir, waxa uuna ahaa kulankan ahaa kii ugu horeeyay oo ay yeeshaan.

Sida aan wararka ku helnay guddiga farsamada ayaa kulankooda  uga wada hadleen diyaar garowga shirka wadatashiga arimaha doorashooyinka oo lagu wado in 20-ka bishan May ka furmo Hoolka Afisyooni.

Shirka wadatashiga arimaha doorashooyinka ee ka furmaya teendhada Afisiyooni waxaa iclaamiyay Raisul Wasaare Rooble oo la wareegay howlaha doorashooyinka iyo amaanka, lamana oga sida uu shirkan u qabsoomi doono iyo natiijada kasoo bixi karta.

Related posts

Sargaal sare oo katirsanaa Ciidanka Nabad Sugida oo goordhaw lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade

(Akhriso) Magacyada Wufuuda Soomaaliya iyo Somaliland uga qeyb galaya Shirka Jabuuti

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey “Fashilkii ku yimid shirka deg-degga ah ee golaha wasiirada Soomaaliya & Qoor Qoor oo …

admin
Taboola Ads ---