Allbanaadir.com
NEWS

Wariye Axmed Xuseen Cadow oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Ilaah ha u naxariistee waxaa xalay saqdii dhexe Isbitaalka Yardameeli ee Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Axmed Xuseen Cadoow oo kamid ahaa  Wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho.

Wariyahan geeriyooday oo katirsanaa Warbahinta Dalsan Media ayaa maalmihii lasoo dhaafay jiifay isbitaalka kadib markii uu lasoo darsay xanuun dhinaca wadnaha ah sida ay sheegeen eheladiisa.

Ilaah ha u naxariisteen Axmed Xuseen Cadoow, ayaa kasoo shaqeeyay Warbaahino kala duwan oo kuyaala magaalada Muqdisho, waxa uuna wariyahan  ifka kaga tagay hal xaas iyo sadex caruur ah.

Geeriga Wariye Axmed Xuseen Cadoow waxaa ka tacsiyadeeyya wariyaal iyo agaasimayaal warbaahineed, waxaana lagu wadaa in maanta lagu aaso qabuuro kuyaala magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka & dowladaha Yurub oo xanibaadii ugu horeysay ku soo rogay Taliban

Caydiid Ali

Turkiga oo Shuruudo fulinteeda ay adag tahay ku xiray Sweden si ay NATO ugu biirto

Cabdi Cade

Villa Soomaaliya oo diyaarisay 10 qorshe ay ku jiraan Dilal, hub ka dhigis iyo ceebeyn (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---