Allbanaadir.com
NEWS

kooxda Allbanaadir Online oo soo caga dhigatay Final Ka Koobka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Kampala (Daawo Sawirro)

Garoonka ku yaalla Magaalada Kambala ee dalka Ugandha ayaa waxaa ka furmay tartan Kubada Cagta ah oo lagu maamuusayo bisha barakeysan ee Ramadaan kaasoo ay ka qeyb galayeen ilaa 12 kooxood oo Soomaali ah.

Tartankan oo ah mid aad u xiise badan oo la qabto sanad kasta marka la soo gaaro bisha Ramadaan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ugandha, iyadoo kooxaha ka qeyb galaya loo qeybiyey illaa saddex Guruub oo midkiiba ay ku jiraan afar kooxood.

Ciyaar ka tirsaneyd tartankan oo ah Same Finaalka Koobka ayaa galabta ka dhacday magaalada Kambala  waxay dhexmartay kooxda Kubada Cagta Allbanaadir Online iyo koox ku ciyaareysay magaca Jeenyo FC oo ah Koox aad u culus oo haysata Koobkaan oo Sanad waliba Lagu Qabto Magaalada Kampala ee Dalka Uganda.

Dadweyne fara badan ayaa soo buuxiyey garoonka, iyadoo labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar nadiif ah oo aad qurux badan taasoo ay jecleysteen dadkii u soo daawashada tegay, waxaana ciyaartaas ku dhamaatay 2-2  taasoo ah Bar bar dhac waxaana la dhigay Gool ku laad oo ay guushu ku raacday kooxda ku ciyaareysay magaca Allbanaadir Online waxayna ku dhamaatay 5_4 waxaana Sidaas Finaalka Koobka iska xadiriyay Kooxda Allbanaadir Online .

Madaxa Wakaaladda Wararka Allbanaadir Mudane Cabdiraxman Macalin Xuseen ayaa u hambalyeeyey kooxda Allbanaadir Online guusha ay ka gaartay ciyaartii galabta, wuxuuna u rajeeyey iney koobka Sanadkaan ay hantaan maadaama ay hadda Joogaan Finaalka Koobka Ramadaanka ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Daka Uganda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Villa Somalia oo qorshe cusub wada iyo Go’aan kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Warar kale

admin

Laftagareen oo si aan caadi aheyn Muqdisho loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Daanyeer Bas rakaab saaran yahay waday iyo Darawalkii u dhiibay oo la ganaaxay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---