Waxaa la xaqiijiyey inuu geeriyooday Taliye ku-xigeenkii Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo dhaawac halis ah kasoo gaaray qaraxii is-miidaaminta ee ka dhacay Saldhigga Booliska degmada Waaberi
Gaanshaanle Sare Axmed Cabdi Wehliye ayaa goor dhoweyd u dhintay dhaawaca kasoo gaaray qaraxii saldhigga Booliska Waaberi, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay Wasiirka Arriaha Gudaha xukuumadda xilgaarsiinta.
Waxaa kaloo qaraxii is-miidaainta ee ka dhacay Saldhigga Waaberi horey ugu geeriyooday taliyihii saldhiggaasi iyo Taliye ku xigeenkii Qeybta Weliyow Cadde.
Gaanshaanle Sare Axmed Cabdi Wehliye ayaa noqonaya sarkaalkii 3aad ee ku dhintay qaraxaas oo xili fiidnimo ah uu fuliyey nin dhexda ku soo xirtay waxyaabaha qarxa, Al-shabaab ayaana sheegatay masuuliyada qaraxaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com