Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

(Sawirro) Qoorqoor oo shacabka Gaalkacyo kala qeyb galay aaska Marxuum Sh. Cali Dheere

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta magaalada Gaalkacyo uga qeybgalay aaska Allaha u naxariistee marxuum Sheikh Cali Axmed Farax (Shiikh Cali Dheere).

Marxuumka ayaa ahaa samafale maamulayey Xarunta Daryeelka Agoonta ee Gobolka Mudug, waxaana dilkiisa ka xumaaday shacabka magaalada Gaalkacyo, waxaana dilay kooxo hubeysan oo aan gacanta lagu dhigin.

Qoorqoor oo aaska ka hadlay ayaa sheegay in caddaalada la horkeeni doono dambiilayaashii ka danbeeyey dilkiisa isagoo Bulshada Qeybaheeda kala duwan uga tacsiyeeyay Geeridi ku timid Marxuumka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo beenisay Warar been abuur ah oo Warbaahinta qaar lagu baahiyay

Cabdi Cade

Diyaarado Dagaal oo duqeeyay magaalada Saakow iyo Khasaaro ka dhashay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxtooyada Somalia oo kala xulaneysa Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---