Allbanaadir.com
NEWS

Wariyaal galay guri uu Sangapore ka degan yahay Safiirka Kuuriyada Waqooyi oo la xiray

Labo Wariye oo u dhashay dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu xiray dalka Singapore kadib markii lagu eedeeyay in si sharci daro ah ku galeen guri uu dagan yahay Safiirka Kuuriyada Waqooyi .

War kasoo baxay booliiska dalka Singapore ayaa lagu sheegay in ciidamada booliiska looga yeeray guriga Safiirka deganaa si ay usoo xiraan wariyaasha sida sharci dara ah u galay gurigaasi.

Booliska Singapore waxay barta Facebook ay ku leeyihiin ku sheegeen in labada weriye ee ka howlgalayay warbaahinta dowladda Kuuriyada Koonfureed la xiray. Halka labo qof oo kale oo isla dalkaasi u dhashayna ay baaritanno ku socdaan.

Xariga Wariyaashan u dhashay dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa kusoo aadaya xili la filayo 12-ka bishan June in Jaziirad kutaala dalka Singapore kulan xasaasi ah ku yeeshaan Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi iyo Madaxweynaha dalka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran: “Waa dhamaaday wejigii dulqaadka & is-xakameynta”

Caydiid Ali

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ciidamada dowladda iyo kuwa Deegaanka oo goordhaw la wareegay Deegaanka Ruun Nirgood

Cabdi Cade
Taboola Ads ---