Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Kenya oo ogolaatay in labo duulimaad tagaan magaalada Hargeysa

Dowlada Kenya ayaa u ogolaatay laba duullimaad inay u duulaan magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland, xili dowlada Kenya dhawaan shaacisay in ay hakisay diyaaradaha ka yimaada iyo kuwa taga Soomaaliya.

Labada duulimaad ee ka baxaya Kenya kuna sii jeeda magaalada Hargeysa ayaa wada  agabka doorashada la filayo in ay ka dhacdo deegaanada Somaliland, waxaana diyaaradahan ogolaaday in Somaliland u duulaan wasaarada arimaha dibadda Kenya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay in laba diyaaradood oo ay maamusho Astral Aviation loo ogolaan doono inay alaabada ka soo qaadaan garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ayna geeyaan Somaliland.

Labada diyaaradood ee Douglas DCC-9F iyo Boeing B727-727F, oo  ka diiwaangashan Kenya, ayaa loo oggolaan doonaa inay Somaliland keenaan agabkan inta u dhexeysa 13-ka ilaa 15-ka May.

Dowlada Kenya ayaa 11-kii bishan joojisay duulimaadyadii tagi jiray Soomaaliya iyo kuwa ka imaan jiray, waxa uuna go’aankan kasoo baxay dowlada Kenya saameyn xoogan ku yeeshay shacabka labada dal gaar ahaan ganacsatada iyo dad kale oo safar ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaar garow dagaal oo ka socda Galgaduud iyo Ciidamo badan oo la diyaariyay

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore ee Somalia oo Muqdisho kusoo wajahan iyo diyaar garow xoogan oo socda

Cabdi Cade

SSC oo digniin culus u dirtay Maamulka Somaliland (War-Saxaafadeed)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---