Xeer ilaalinta Maxkamadda caalamiga ah ee denbiyada, Fatou Bensouda ayaa muujisay walaaca ay ka qabto dagaalka cusub ee ka dhax bilowday Israa’iil iyo Falastiin.
Fatou Bensouda ayaa tilmaantay in dagaalkaan ay ka dhalan karaan xad gudubyo iyo xasuuq shacab, iyadoo xustay in Maxkamadu isha ku heyso waxa ka socda dhulalka la heysto ee reer Falastiin
Fatou Bensouda ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay dadaal ku bixiso si loo joojin lahaa dagaalkan.
Bensouda ayaa horay si rasmi ah uga codsatay maxkamadda in la furo gal baaritaan oo ku saabsan dambiyo dagaal oo la sheegay in Israa’iil ka geysatay dhulka Falastiin.
Dhanka kale wasiirka caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in tirada guud ee dhimashada tan iyo markii ay weeraradii ugu dambeeyay dhaceen in ay gaarayaan 35 oo ay ku jiran 12 caruur ah iyo in ka badan 233 kale oo dhaawac ah
Ciidanka Israa’iil ayaa sheegaya in ku dhaw 1,500 oo Gantaal laga soo tuuray dhanka Qaza iyagoo meelo kale duwan uga dhacay Israa’iil iyadoo ay ciidamada ay xoojinayaan amniga dhanka xududa dhulka bariga ee ay haystan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com